Home » Xasan Sheekh oo cafis u fidiyay maxaabiis gaareysa 127 maxbuus

Xasan Sheekh oo cafis u fidiyay maxaabiis gaareysa 127 maxbuus

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis Madaxweyne u fidiyay 127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye.

Qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta Dowladda ayaa lagu yiri, “127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay markii uu cafis u fadhiyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud Munaasabadda Ciidda Awgeed.”

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7,” sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda.

Madaxda dalka qaarkood ayaa sanad waliba cafis Madaxweyne u fidiya maxaabiista ku xiran Xabsiyada ku yaal guud ahaan Dalka, kuwaas oo loo soo xiray dambiyo fudud, iyada oo cafiskaan ku soo aadaya munaasabadda Ciidda.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved