Home » Meydadka dadka qaar uu baadari kula taliyey iney gaajo isku dilaan oo lasoo saaray

Meydadka dadka qaar uu baadari kula taliyey iney gaajo isku dilaan oo lasoo saaray

by Mohamed Jibril
0 comment

Booliiska Kenya, ayaa ka soo saaray meydadka 47 qof meel u dhow magaalada xeebta ah ee Malindi, xilli ay baarayeen wadaad diinta faafinayay, oo la sheegay in uu u sheegay dadka raacsan inay gaajo isu dilaan.

Dadka meydadka ah ee lasoo saaray, ayaa waxaa kamid ah caruur. Booliiska ayaa sheegay in soo saarista ay wali socoto.

Qubuuro gacmeedka, ayaa wuxuu ku yaallaa kaynta Shakahola, halkaas oo 15 xubnood oo ka tirsan Kaniisadda Caalamiga ah ee Wanaag laga soo badbaadiyay todobaadkii hore.

Hoggaamiyaha kaniisadda, Paul Makenzie Nthenge, ayaa xabsiga ku jira, iyadoo la sugayo in maxkamad lasoo taago.

Telefishinka dowladda ee KBC, ayaa ku tilmaamay inuu yahay “hoggaamiye kooxeed”, waxayna sheegtay in ilaa iyo hadda la aqoonsaday 58 xabaalood.

Mid kamid ah qabuuraha, ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan meydadka shan qof oo isku qoys ah – saddex caruur ah iyo waalidkood.

Nthenge ayaa waxa uu iska fogeeyey inuu khalad sameeyay, balse waa la diiday in damiin lagu sii daayo. Waxa uu ku adkaysanayaa inuu xiray kaniisaddiisa sanadkii 2019-kii.

Waxa la sheegay in uu u sheegay kuwa raacsan inay gaajo isku dilaan, si ay “Ciise ula kulmaan”.

Wargeyska Maalinlaha Kenya, The Standard, ayaa sheegay in dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ay qaadi doonaan tijaabada Hidde Sidaha “DNA”-da, ayna sameyn doonaan baaritaanno lagu ogaanayo in dhibbanayaasha ay u dhinteen gaajo iyo in kale.

Booliiska ayaa xiray Nthenge 15-kii Abriil, kadib markii ay heleen meydadka afar qof, oo loogga shakisan yahay inay gaajo u dhinteen.

Victor Kaudo oo ka tirsan xarunta cadaaladda bulshada ee Malindi, ayaa u sheegay Citizen TV ” in marka aan la joogo kayntan, oo la tago laguna arko calaamadda isku tallaabta weyn iyo mid dheer, waxaan ognahay in in ka badan shan qof ay ku aasan yihiin halkaas”.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in dhammaan 800 oo hektar oo kaynta ah la xiray, laguna dhawaaqay in goob taasi tahay goob dambiyeed.

Mr Nthenge ayaa la sheegay inuu magacaabay saddex tuulo oo kala ah Naasared, Beytlaxam iyo Yahuudiya, oo uu dad raacsan ku Kiristaameeyey, ka hor inta uusan u sheegin inay soomaan, sida uu sheegay wargeyska The Standard.

Kenya waa dal dadkiisu ay aaminsan yihiin diimo kala duwan, waxaana horey u jirtay kiisas dad lagu soo jiiday, oo ay kaniisado khatar galiyeen, kuwaasoo ahaa xarumo ama wadaado aan sharciyeysneyn.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved