Home » Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Jameeco ee Hiiraan

Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Jameeco ee Hiiraan

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay degaanka Jameeco oo u dhow magaalada Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

War kooban oo ka soo baxay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu yiri, “Ciidanka ayaa la wareegay deegaankaas oo ay horay u joogeen Al-Shabaab, ciidankii xoreeyey deegaankaas ayaa sii baacsanaya Khawaarijtii ka firxatay deegaanka Jameeco.”

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ay hormuud u yihiin mas’uuliyiin Gobolka & kuwa Degmooyinka, saraakiisha howlgallada hoggaaminaya ayaa sheegay in wajiga labaad ee howlgalka uu billawday.

Guud ahaan Gobollada Dalka ayaa waxaa ka socda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkacayaan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda iyo Ciidamo ka socda waddamada dariska.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved