Home » Ardayda ka timid Sudan oo loogu yeeray Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Ardayda ka timid Sudan oo loogu yeeray Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

by Mohamed Jibril
0 comment

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay dhammaan Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka baraneysay Dalka Suudaan ee Dalk dib ugu soo laabtay in ay yimaadaan xarunta Wasaaradda si waxbarashooda dalka uga sii wataa.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda waxbarashada ayaa lagu yiri, “Waxaan ogeysiineynaa ardaydii wax ka baraneysay Dalka Suudaan ee Waddanka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu saameeyey dagaalkii ka dhacay dalkaasi, in ay yimaadaan Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan waaxda Tacliinta Sare.”

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay Ardeyda Dalka dib ugu soo laabtay in ay keensadaan Dukumintigooda iyo wax walba oo caddeyn u ah heerka ay mareysay waxbarashadooda si loogu fududeeyo in ay dalka gudihiisa ka dhameystaan waxbarashada. Sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay dib ugu soo celineyso Dalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Suudaan, iyada oo maalinimadii shalay Magaalooyinka; Muqdisho iyo Garoowe laga soo dajiyay 123 ruux, kuwaas oo laga soo samata bixiyay Magaalada Khartuun oo ay ka socdaan dagaallo xooggan.

Suudaan ayaa waxaa ku sagan Soomaali badan oo badankood ay ah Ardey wax ka barata Jaamacadaha Dalkaas, iyada oo sanad waliba ay halkaas u safraan Ardey wax ku baratay Dalka, kuwaas oo waxbarasho bilaash ah ka helay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved