Home » Ruushka oo Ukraine ku eedeeyay in ay isku dayday khaarijinta Putin

Ruushka oo Ukraine ku eedeeyay in ay isku dayday khaarijinta Putin

by Mohamed Jibril
0 comment

Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo xalay bartilmaameedsaday aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, waxayna ku eedeeyeen Ukraine inay isku dayday inay disho madaxweynaha Rushka Vladimir Putin.

Kremlin-ka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagusoo riday adeegyo gaar ah oo isticmaalaya nidamka raadaarka elektaroonigga ah. Mr Putin ayaa xilligaas joogin xarunta Kremlin-ka, afhayeenkiisa Dmitry Peskov ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax burbur ah oo soo gaaray dhismayaasha.

Ukraine ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin. Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ee Ruushka ayaa muujinaya qiiq ka dul dhacay bartamaha Moscow saacadihii hore ee Arbacada. Bayaan uu soo saaray Kremlin-ku ayaa lagu yiri: “Xalay, taliska Kyiv wuxuu isku dayay inuu weerar la beegsado guriga Kremlin-ka ee uu degan yahay Madaxweynaha Federaalka Ruushka iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn.”

Waxa uu sheegay in ay arrintan u aro “fal argagixiso oo la qorsheeyay iyo isku day dil oo lagu beegsanayey madaxweynaha”, Ruushkuna waxa uu “xaq u leeyahay in uu qaado tillaabooyin aargoosi ah meel kasta iyo mar kasta oo loo arko in loo baahan yahay”.

Mr Putin wax dhaawac ah ma soo gaarin jadwalkiisuna wuxuu ku sii socon doonaa si caadi ah, ayaa lagu yiri bayaanka. Qaybo ka mid ah dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ku soo dhacay barxadda Kremlin-ka, balse cidina ma aysan dhaawacmin, ayaa la yiri. Kremlin-ka ayaa sidoo kale xustay in dhacdadani ay timid wax yar ka hor dhoolatuska maalinta guusha Ruushka ee 9-ka May, kaas oo la filayo in ay ka soo qeybgalaan madax ajnabi ah. Xafiiska madaxtooyada Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in aysan hadda ka hadleynin.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved