Home » NISA oo sheegtay inay fashilisay weerarro qorsheysan oo ay Al-shabaab ku qaadi lahaayeen Beerta Nabadda

NISA oo sheegtay inay fashilisay weerarro qorsheysan oo ay Al-shabaab ku qaadi lahaayeen Beerta Nabadda

by Mohamed Jibril
0 comment


Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerarro qorsheysan oo Al-Shabaab ay ku qaadi lahaayeen Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay gacanta ku dhigtay jaakadaha qaraxyada iyo bajaaj lagu fulin lahaa weerarkaas.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee dowladda Federaalka, laamaha amniga ayaa fashiliyay weerarkaas bishan May.

“NISA ayaa la socotay dhaqdhaaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.

“Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho” ayuu raaaciyay bayaanka dowladda federaalka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved