Home » TikToker Mizzy ayaa la xiray kadib markii looga shakiyay in uu jabiyay amar maxkamadeed

TikToker Mizzy ayaa la xiray kadib markii looga shakiyay in uu jabiyay amar maxkamadeed

by Mohamed Jibril
0 comment

Bacari-Bronze O’Garro, oo 18 jir ah, loona yaqaan Mizzy, ayaa lagu soo rogay amar dhaqan dambiyeed waana la ganaaxay ka dib markii uu galay guri dadweeyne si fasax la’aan ah, qayb ka mid ah muuqaallo uu soo galiyay TikTok ayaa u muuqatay “Prank”.

Afhayeen u hadlay Booliska Uk ayaa u sheegay Sky News: “Jimcihii, 26-kii Maajo, saraakiishu waxay xireen nin 18 jir ah oo looga shakisan yahay jebinta Amarka Dhaqan Dambiyeedka

“Waxaa la dhigay xabsiga, baaritaan ayaa socda.”

Isticmaalaha TikTok waxa kaliya oo la soo saaray amarka labada sano ee dhaqan-dambiyeed Arbacadii toddobaadkan xaakimka Maxkamadda Thames Magistrates.

Sida ku cad amarka, waa inuusan si toos ah ama si dadban muuqaallada ugu dhejin baraha bulshada iyada oo aan oggolaansho qoran laga helin dadka lagu soo bandhigay nuxurka oo waa inuusan ku xad-gudbin hanti gaar ah. Waxa kale oo lagu amray inaanu tegin Xarunta Westfield ee Stratford.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved