Home » Xog ku saabsan khasaaraha qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

Xog ku saabsan khasaaraha qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxday khasaaraha nafeed ee qarax ismiidaamin ah oo saaka lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa saaka ka dhacay xerada ciidamada ee Kulliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey ciidanka xilli ay saf ku jireen.

Laba sarkaal oo ka tirsan laamaha amniga ayaa u sheegay VOA inay weerarkan ku dhinteen 25 ka tirsan ciidanka, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen. 24 ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa la sheegay in dhaawacoodu halis yahay.

Ururka al-Shabaab ayaa markiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Ciidanka la isku qarxiyey ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwo ka tirsan yihiin guutada 14-ka October.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved