Home » Dibedbaxyaal loo xiray kaniisad ay gubeen dalka Pakistan

Dibedbaxyaal loo xiray kaniisad ay gubeen dalka Pakistan

by Mohamed Jibril
0 comment

In ka badan 100 qof ayaa lagu xiray magaalo ku taal bariga Pakistan ka dib markii kumannaan muslimiin ah ay gubeen kaniisado guryana la burburiyey.

Rabshadaha ka dhacay magaalada Jaranwala ee dalkaas ayaa ka dhashay sheegashada ah in laba nin oo Masiixiyiin ah ay bogag ka jeexjeexeen Qur’aanka kariimka ah.

Kaniisadda Salvation Army ee taariikhiga ah ayaa weli qiiqaysay Khamiista, maalin ka dib xilliga rabshaduhu dheceen.

Burburka ayaa lagu wareejiyay silig iyadoo xaalada magaalada ay tahay mid kacsan.

Isku soo baxyada dadweynaha ayaa sidoo kale la xaddiday muddo todobo maalmood ah degmada Faisalabad oo ay ku jirto Jaranwala.

Labada nin ee lagu soo eedeeyay inay wax u dhimeen kitaabka Quraanka kariimka ah, ayaan la soo qaban, inkastoo lagu eedeeyay inay aflagaadeyn sameeyeen, taasoo ciqaabteedu ay dalka Pakistan ka tahay dil.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved