Home » Madaxda Ururka Al-Shabaab oo saameeyn xooggan ku yeeshay dagaalka socda

Madaxda Ururka Al-Shabaab oo saameeyn xooggan ku yeeshay dagaalka socda

by Mohamed Jibril
0 comment

Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo loo yaqaano Nuur-deeq oo ahaa madaxii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ayaa shalay isku dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee ku sugan deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa la sheegaa inuu xubin muhiim ah u ahaa kooxda, kal hore waxa uu ka badbaaday guri uu Gaalkacyo ka deganaa ku qaadeen Mareykanka, PSF iyo Danab. Waxa uu fure u ahaa joogista kooxda ee guud ahaan gobolka Mudug.

Halka uu iska dhiibay ee Wisil waxaa ku sugnaa xubno siyaasiyiin ah oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah Axmed Macalim Fiqi.

Ninkaan ayaa ka faa’iideystay xeerka cafis ee uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Imaatinka ninkaan ayaa ka dhigan inay xitaa amiirada kooxda garwaaqsadeen culeyska dagaal haysta, ayna go’aansadeen inay umadooda dib ugu soo noqdaan.

Nuur-deeq Maalinguur argagixisada kahor waxa uu ahaa nin si weyn looga dhex yaqaano bulshada gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo. Dhawaan waxaa idinla wadaagnay inay jiraan xubno badan oo argagixiso ah oo raba inay soo baxsadaan oo ay halkaasi ku joojiyaan gumaadkii shacabka, balse ay la’yihiin qaab ay kusoo baxsadaan, qaarkoodna ay kooxda ilaalo ka hayso.

Madaxii argagixisada ee gobolka Mudug ee shalay isa-soo dhiibay, wuxuu sida muuqata helay xiriirka siyaasiyiinta beeshiisa, si loo waafajiyo hanaanka isa soo dhiibida ee dowladda dhex, kuwa kale ee soo socdana isla dariiqaas ayaa u furan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo faafiyay qoraal uu kaga hadlaayo isa-soo dhiibida madaxii Al-Shabaab ee gobolka Mudug, ayaa sheegay in ninkaan sidoo kale kooxda uga masuul ahaa hoggaaminta dagaalada ay ka fuliso gobolka Mudug, wicitaanka ganacsatada, dhaqanka iyo bulshada, isaga oo dadka ku amri jiray inay yimaadan magaalada Xarardheere.

Fiqi waxa uu intaa ku daray in isa-soo dhiibida madaxii Al-Shabaab ee gobolka Mudug inay cadeynayso in kooxda si weyn niyad ahaan hoos ugu dhacday, lana siibay maanta qodaxdii gobolka Mudug.

Hadda howsha askari waa ka tagtay waxaa isa-soo dhiibaya madaxdii heer gobol ee kooxda, tani waa farriin furan oo xog ugu filan qof walba oo raadinaya inuu ogaado halka ay mareyso xaaladda kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado guluf lagu dhameystirayo wejiga koowaad ee dagaalka argagixisada, xilli asbuucan ay ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen degmada Ceelbuur.

Isa-soo dhiibida madaxii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug, xubno kale oo iyaguna dhawaan iska dhiibay deegaanka Wabxo iyo kuwo ay kooxda dishay iyaga oo ka baxsanaya oo raba inay is dhiibaan, ayaa dhamaan si fudud u qeexaya sida uu ballanqaadkii cafiska u gaaray gudaha kooxaha argagixisada.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved