Home » Xasan Sheekh “Waa la xisaabtamayaa kuwa ciidamada khiyaanay”

Xasan Sheekh “Waa la xisaabtamayaa kuwa ciidamada khiyaanay”

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo fariin muuqaal ah soo diray ayaa kaga hadlay warar kala duwan oo ka soo baxayay weerar kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa beeniyey tirada ay Al-shabaab sheegteen in ay weerarkaas kaga dileen ciidamada dawladda, waxaanu sheegay in taas baddalkeeda ay ciidanka dawladdu dileen in ka badan inta ay kooxdu sheegatay. “Xogta dhabta ah ee Cowsweyne waxay kus oo aruurtay Shabaabka lambarka ciidanka dawladda waa ka dilnay ay yiraahdeen inuu been yahay, waxay kusoo aruurtay tirada ciidanka waa ka dilnay ay yiraahdeen tiro ka badan boqol iyo sagaashan xabaal-wadareed inay dadkoodii dhintay ku duugeen,” ayuu yiri madaxweyne xasan.

“Waxaa intaa dheer inay dhaawacoodii iyagu dhameystireen, isbitaal uma hayaan, daawo uma hayaan, meel ay geeyaan ma hayaan,” ayuu sii raaciyey.

Farriinta madaxweynaha oo u ekayd inay ahayd niyad dhis ciidamada loogu tala galay ayaa kusoo aadday iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamada dowladdu isaga bexeen qaar ka mid ah deegaannadii ay hore uga qabsadeen Al-shabaab, isla markaana ay kooxdani dib ula wareegtay.

Wararkan ayey dawladda Soomaaliya beenisay, halka mas’uuliyiinta qaar aysan xaqiijin dhab ahaanshaha wararkan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved