Home » DF iyo Somaliland oo ku heshiiyay 8 qodob

DF iyo Somaliland oo ku heshiiyay 8 qodob

by Mohamed Jibril
0 comment

War Murtiyeed laga soo saaray shirkii dalka Jabuuti uga socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ka kooban illaa iyo 8 qodob oo rasmi ah.

Qodobka koowaad ayaa lagu go’aamiyay in dib loo billaabo wada hadallada tooska ah, Soomaaliya iyo Somaliland, si looga hadlo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal waara.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in 30 maalmood gugahooda go’aan looga gaaro hannaanka geedi u socodka wadahadallaadsi iyadoo lasoo magacaabayo labada dhinac guddiyo farsamo oo fududeynaya wadahadallada.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dhaqan geliyo heshiisyadii horey loo galay ee sannadihii 2012-kii iyo 2020-kii Soomaaliya iyo Somaliland.

“In garowshiyihii dowladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfaladii iyo burburintii dowladii militeriga ay u geysatay dadka gobollada waqooyi ay u geysatay ka garaabidioda ay sii wado,” ayaa lagu yiri bayaanka, kasoo baxay labada dhinac.

Sidoo kale waxaa shirka Jabuuti ka socday muddada labada maalin la go’aamiyay in ay iska kaashadaan labada dhinac amniga iyo ka hortagga danbiyada abaabulan iyadoosi toos ah, iskaashi buuxa ka sameeynayaan hay’adaha labada dhinac.

“In gobollada ay colaaduhu ka socdaan nabad lagu soo dabaalo, iyadoo lagu xalinayo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed,” ayaa lagu sii yiri mar kale bayaanka.

Ugu danbeeyn waxaa lagu heshiiyay in labada dhinac ay aad uga fogaan hadallada iyo qoraallada ee wax kasta wax u dhimi kara wadahadalladan socda ee hadda billowday.

Halkan Ka Akhriso Bayaanka

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved