Home » Guudlaawe oo maanta sameeyay arrin layaab leh taasoo dhalisay hadal hayn xooggan

Guudlaawe oo maanta sameeyay arrin layaab leh taasoo dhalisay hadal hayn xooggan

by Mohamed Jibril
0 comment

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta ku kacay arrin yaab leh oo hadal hayn badan ka dhalisay Baraha Bulshada.

Guudlaawe oo dhiiragelinayay kooxda u ciyaareysa maamulka uu madaxda ka yahay ee Hirshabeelle, koobka dowlad goboleedyada dalka kaas oo maanta ka furmaya Muqdisho, ayaa qoraal uu soo geliyay boggiisa Facebook soo qaatay sawir ay hoos uga qoran tahay
“Guul Galmudug”.

Sawirkan oo horey u isticmaalay madaxweyne Qoor Qoor, sida muuqatana kooxda u qaabilsan warbaahinta Guudlaawe, usoo qaadatay si aan ka fiirsi lahayn taasoo dhalisay hadal hayn badan baraha bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa Xidigaha Xulka Kubada Cagta Hirshabeelle ee inooga qeybgalaya Tartanka K/cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir galabta uga furmaya Magaalada Muqdisho.” qoraalkan ayuu soo geliyay Cali Guudlaawe.

Arrinkan markuu baraha bulshada ku fiday hadal heyn xooggan ka dhaliyay ayaa laga saaray bogga Cali Guudlaawe.

Sidee Looga Falceliyay Arrintan

Cabdullaahi Cali ayaa waxa uu yiri: “Madaxweynihiinu (HirShabeelle) Galmudug miyuu la jiraa meeshaan Galmudug guuleysta ayaa ku qorane.”

“Team-ka Media-yaha u qaabilsan madaxweyne Cali Guudlaawe ma siddaan ayaa ka daacad ah. Sawir uu madaxwyanaha Galmudug isticmaalay ayay kadaba isticmaalayn Xxitaa farsamo xumada ma waxaa ay ku darsadeen arag la’aan.Guul Galmudug ayuu taagan yahay Madaxwaynihii HirShabeelle,” ayuu yiri Haadi Maxamuud Xasan.

Cabdiraxmaan Xaaji Xaashi, ayaa yiri “Sawirka Guul Galmudug hoos u qoran tahay maxa waaye marka Qoor-Qoor ma isku malaysay,” .

Axmed Nuur Ibraahim: “Guul ayan u rajeynaa HirShabeelle laakiin hada ayaa hurdo laga soo kiciyay ayaqn umaleynaa Qoor-Qoor mar hore ayuu so dhiira-galiyay kooxdiisa adne waad so daahday.”

Daahir Ibraahim: “Qoor-Qoor baa waxaas ka dambeeyay asaa jambalkaan noo dhigay balse waaku fahanay.”

Weriye Mohamed Jibril, “Mala waayay Hirshabeelle qof yaqaanna Photoshop xitaa Canva”.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved