Home » Xiisad xooggan oo ka taagan Puntland + Deni oo soo xushay…..

Xiisad xooggan oo ka taagan Puntland + Deni oo soo xushay…..

by Mohamed Jibril
0 comment

Xiisad xooggan oo ka taagan doorashooyinka Puntland, ee kuraasta xildhibaannada maamulka cusub ee dhowaan la aqoonsaday ee SSC-Khaatumo.

Arrinta xiisadda keentay ayaa ah, in Deni, uu suuqa ka qortay 17 xildhibaan ee matalaya Khaatumo iyadoo Isimada dhaqanka ee SSC ay dhowaan diideen inay qeeyb ka noqdaan doorashada Puntland.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in laga keenay 17 xubnood ee noqonaya Baarlamaanka Puntland shaqaalaha dowladda in lagu daray liiska 66-da xubnood ee Punland.

Xubnahan ayaan haysan saxiixa Isimada dhaqanka iyo cuqaasha maamulka cusub ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo dhowaan si cad ah, u diiday ka qeeyb galka doorashada Puntland.

Sidoo kale xubnahan uu soo xushay Deni, ayaa qaarkood haysta saxiixyo been abuur ah, oo ay ku saxiixanyihiin Cuqaasha iyo Isimada dhaqanka SSC.

Waxaa arrintan aad uga soo horjeedsaday musharraxiibta mucaaradka Puntland, kuwaaa oo digniin culus kasoo saaray xulashada Deni.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). ay isku maandhaafsanyihiin xulashadan uu Deni sameestay 17-ka xildhibaan ee SSC Khaatumo, matali lahaa.

Xiisaddan ayaa laga cabsi qabaa inay mar kale magaalada Garowe ka huriso colaad iyo dagaal ka dhan ah, madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, xulashada 17-ka xildhibaan ee SSC, iyadoo lasoo werinayo in mucaaradka ay isu diyaarinayaan dagaal ka dhan ah, Deni.

Si kastaba ha ahaatee Deni, ayaa xalay khudbad uu jeediyay ku caddeeyay mowqifkiisa damaca ee SSC, haddii ay noqoto maamul madax bannaan aysan marnaba lumin doonin qoondada xildhibaannada ay ku leedahay maamulka Puntland.

“Waxaan ixtiraameynaa mudada ay qabsadeen, waxaana kula shaqey doonaa sida ay jecelyihiin, Cid walba waxaan ogeysiinayaa Puntland weli sidii lagu soo dhisay ayey ku dhisan tahay ilaa inta wax laga bedelayo xeerarka iyo qawaaniinta u taalla,” ayuu yiri Deni.

Dhowaan ayay ahayd bishii Juun, in xabad ay ka billaabatay magaalada Garowe xilli uu baarlamanka Puntland u fadhiyay inuu ansixiyo wax ka beddelka Dastuurka, oo mucaaradka ay diidan yihiin.

Garoowe ayaa dhacay dagaal xulua oo ku dhex maray ciidamada dowladda Puntland iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka kuwaas oo ka biyo diidanaa wax ka baddelka Dastuurka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved