Home » Muwaadin Mareykan ah oo u socday inuu ku biiro Al-Shabaab oo la qabtay

Muwaadin Mareykan ah oo u socday inuu ku biiro Al-Shabaab oo la qabtay

by Mohamed Jibril
0 comment

Muwaadin Maraykan ah oo ku nool Masar ayaa doonayey in uu ku biiro ururka argagixisada ah ee al-Shabaab oo uu ku qaado jihaad dagaal oo ka dhan ah Maraykanka iyo xulafadiisa ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii October, waxaa sidaa maalintii Jimcaha sheegay dacwad oogeyaasha Federaalka.

Karrem Nasr, oo 23 jir ah, kana soo jeeda magaalada Lawrenceville, ee gobolka New Jersey, ayaa la xiray 14-kii December, ka dib markii uu ka soo duulay Masar, kuna sii jeeday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo dacwad oogayaasha ay sheegeen inuu qorsheynayay inuu la kulmo xubno ka tirsan Al Shabaab, ka hor inta uusan u safrin tababar uu ku soo qaato Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada, Al-Shabaab.

Nasr ayaa lagu soo celiyay Mareykanka khamiisti waxaana loo qorsheeyay inuu jimcaha ka soo muuqdo maxkanad Federaalka ee ku taalla Manhattan. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo urur ajaaniib ah oo loo aqoonsaday argagixiso. Hadii lagu helo dambiga lagu soo oogay waxa uu muteysan doonaa 20 sano oo xarig ah.

Diiwaanada maxkamada ma aysan liis gareynin qareenka ku hadli kara magaca Nasr.

Nasr ayaa ku sheegay “cadowga 1-aad waa America,” oo uu ku tilmaamay “madaxa maska,” danbi oogeyaasha ayaa yiri. Waxa uu soo dhigay X, oo hore loogu yiqiin Twitter-ka, in Jihaadku “uu dhowaan ku imanayo meel Maraykan ah oo kuu dhow,” ayaa lagu yidhi cabashada. Boostada, oo hoos timaada magaca “Muslim Masri ah,” waxaa ku jiray diyaarad, bam, iyo emojis dab ah, qoraalka sii raacsiisaneyd.

Nasr, oo bishii July usoo guuray Masar, ayaa xiriirkiisa qofka la shaqeynayey FBI-da billaabay November, sida gal dacwadeedka lagu xusay.

Waxa uu jaajuuska u sheegay inuu ka fakarayey inuu jihaad qaado “muddo fog” hase yeeshee “inuu awoodi waayey inuu sidaas sameeyo” kahor inta aysan Xamaas weerarin Israel, yaa lagu yiri dacwadda.

“Kadib weeraradii October 7, waxaan dareemay inay wax isbeddeleen,” ayuu Nasr u sheegay jaajuuska, sida ku xusan dacwadda. “Waxaan ula jeedaa dhanka wanaagsan. Waxaan dareemay in qabkii iyo sharaftii ay usoo laabteen muslimiinta.”

Mareykanka ayaa sanadkii 2008 Al-Shabaab u aqoonsaday urur ajaaniib ah.

Kooxdu waxay ka soo unkameen isbahaysigii muqaawamada Islaamiga ah ee la dagaalamay dawladdii dhexe ee curdinka ahayd ee Soomaaliya, waxayna qabsadeen dhul ballaaran horaantii 2000-aadkii. Waxaa loo aaneynayaa rabshado aad u fara badan oo ay ka mid yihiin is qarxin, madax goyn iyo dilal qorsheysan oo loo geystay dad rayid ah iyo saxafiyiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday in sannad gudihiis Al-Shabaab laga sifeyn doono dalka.

Kooxdan ayaa dhul luminaysay tan iyo markii dowladda oo ay taageerayaan maleeshiyaad deegaanka ah, ciidamada Midowga Afrika iyo quwadaha reer galbeedka ay weerar ballaaran ku qaadeen bishii May ee sannadkii hore.

AP

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved