Home » Carruur ugu geeriyootay Shuban Biyood magaalada Baladweyne

Carruur ugu geeriyootay Shuban Biyood magaalada Baladweyne

by Mohamed Jibril
0 comment
Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in xaalad adag ka taagan tahay deegaankaasi, kaddib markuu ka billowday shuban biyood oo fara kulul ku haya degmadaasi.

Inkabadan 11 qof oo u badan carruur ayaa lagu soo warramaya in ay u dhinteen shuban biyood, daacun sida ay sheegeen dhakhaatiirta caafimaadka.

Sidoo kale waxaa Isbitaallada yaalla carruur kale oo la il daran shubkanka kuwaas oo qaarkood xaaladdoodu liidato iyadoo ay la tacaalayaan bahda caafimaadka.

Cudurkan ayaa ka dillaacay kaddib soo noqoshada fatahaada oo ku dhufatay magaalada Baladweyne taasoo reebtay haraadi wasaqeysan.

Sidoo kale waxaa lasoo werinayaa inay ka jirto daawo yari ba’an Isbitaallada qaar ee ku yaalla Baladweyne in aysan awoodin bukaannada inay si toos ah, u qaabilaan daawo la’aanta darteed.

Dhibaatada meelaha ugu daran ayaa ah, xaafadaha kala ah, ee Buundaweyn, Kooshin iyo Xaawo Taako, oo ahaa meelaha ugu daran ee fatahaadda, ku dhufatay daadadka xooggan.

Magaalada Baladweyne ayaa sannakan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay Èĺńìņó, taasoo ku dhufatay, sababtay kumannaan barakacayaal ah, iyo shuban ka dillaacay.

Waxaa socda dedaallo xooggan oo ay wadaan maamulka gobolka iyo degmada oo ah, sidii loo daaweeyn lahaa dadka uu soo ritay xannuunka Shubanka kaas oo xaafado badan ku dilay 11 qof saacadihii ugu danbeeyay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved