Home » DF oo amar kasoo saartay dhulalka danta guud ee la haysto

DF oo amar kasoo saartay dhulalka danta guud ee la haysto

by Mohamed Jibril
0 comment

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday gobolka Banaadir, ayaa sheegay in Wasaaradda ay u baahan tahay dhulkeeda.

Faarax, ayaa sheegay in Wasaaradda ay qaadan doonto, 20,000 oo macallimiin ah, kuwaasna ay u baahan yihiin meel ay ku shaqeeyaan ayna tahay in la banneeyo dhulka Wasaaradda.

“Haddaanu nahay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare madaxweynaha ayaa mar nagu siiyay, xukuumadda ayaan ansixisay in 20 kun oo macallin la qoro muddada xukuumaddan ay joogto, hadda waxaan mareynaa 6 kun, sanadkan gudihiisana 4 kun oo kale ayaan ku kordhineynaa” ayuu yiri Faarax Cabdulqaadir.

Wasiirka ayaa dalbaday sidoo kale in duqa Muqdisho, uu gacan ka siiyo si looga saaro dadka deggan dhulkaasi ay Wasaaradda ay leedahay.

“Guddoomiyaha gobolka waxaan ka rabnaa dhulka waa mustaqbalkeenna inaan haba yaraatee marna aan laga gorgortamin” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in ay diyaarisay Wasaaradda lacagihii lagu dhisi lahaa dhulkaasi bur-bursan ee ay Wasaaradda Waxbarashadu, leedahay.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in wasaaradda waxbarashadaay diyaar u tahay, ayna diyaarisay qarashkii dib loogu dhisi lahaa dhammaan dugsiyada oo dhan, gobolka Banaadir ayaana ugu horeeyo” ayuu yiri

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sannadkan uu noqon doono sannad waxbarasho, ayna ku dedaali doonaan sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada Dalka.

“Sanadkan 2024-ka annaga haddaa nahay dowladaha Afrika waxaan u naqaanaa inuu yahay sanadkii waxbarashada, haddaani nahay Soomaaliya waxaa u naqaanaa inuu yahay sanadkii waxbarashada” ayuu yiri Faarax Cabdulqaadir.

Waxbarashada Soomaaliya, ayaa soo hagaageysa tan iyo sannadkii 2015-kii oo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay billoowday qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga Dugsiyada Sare.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved