Home » Dowladda Federaalka oo warsaxaafeed kasoo saartay doorshada Puntland

Dowladda Federaalka oo warsaxaafeed kasoo saartay doorshada Puntland

by Mohamed Jibril
0 comment

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo loogu hambalyeeyay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, oo mar kale Puntland madaxweyne ka noqday, doorashadaaai oo ka dhacday magaalada Garowe.

Qoraalka kasoo baxay Dowladda Federaalka, ayaa madaxweyne Deni, loogu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee uu ka gaaray doorashada maanta.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada” ayaa lagu yiri waraaxaafadeedka kasoo bacay Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in mas’uuliyadda adag ee loo dhiibay Deni inuu ilaahay la garab galo.

“Waxa ay Dowladda Soomaaliya u rajeyneysaa Madaxweynaha la doortey inuu Ilaahay u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo” ayaa lagu yiri.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu bogaadiyay shacabka ku dhaqan Puntland, baarlamaanka iyo musharraxiinta tartantay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu dambeyn ku bogaadineysaa shacabka , musharixiinta iyo baarlamanka Puntland sida hufan ee nabadda leh ee ay uga soo wada shaqeeyeen qabsoomidda doorashadan muhiimka u ah horumarinta dowlad dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri mar kale.

Doorashadan dib loogu doortay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, aya kusoo aadeysa xilli ay jirto khilaafyo kala duwan oo ka dhaxeeya dowladda dhexe, Puntland, iyo SSC- Khaatumo.

Ugu danbeeyn qabaahada doorashadan ayaa meesha ka saartay is qab qabsiga ka jira iyo xaaladdii adkeyd ee mucaaradka iyo Deni, ay isla soo mareen.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved