Home » Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidamada SSC

Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidamada SSC

by Mohamed Jibril
0 comment

Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaysa dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaasoo u dhaxeeya ciidamada SSC-khaatuma.

Dagaalkan ayaa saakay aroortii ka qarxay kaddib markii ay isku dhaceen ciidamo malleeshiyaad kawada tirsan SSC-Khaatuma.

Dad goobjoogeyaal ah, ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada maleeshiyada ay isku maandhaafeen qori Zuu, dhowaan laga qabsaday Somaliland, sidaasina ay rasaasta ooda la isaga qaaday, muddo dhan saacadna ay ku dagaallameen halkaasi.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku waabariisteen dagaalkan, iyagoona sheegay in ay ciidamada isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkan uu geeystay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawac walow aan la xaqiijin tirada rasmiga ah.

Dadka ku dhinteen dagaalkan ayaa waxaa kamid ah, Cabdifitaax Garbatole, oo kamid ahaa raggii ku baxay inay kala dhex galaan maleeshiyada ku dagaallamay, sida uu sheegay Cabdisalaan Germany, oo ah, nin Facebooker ah, oo qoraal yar soo galiyay bartiisa gaarka ah, ee Facebook-ga.

“Rabi Naxariistii Jano haka Waraabiyo Cabdifitaax Garbatole, oo saaka ku dhintay isaga oo ku dhex jira kalana celinaya labadii ciidan ee maraaga isku laayay Waa geeri Xanuun badan ilaahay ehelka samir iyo iimaan ha ka siiyo iyo dhamaan SSC ” ayuu yiri.

Haatan waxaa la dareemayaa xaalad deegaan dagaalkana waa uu istaagay kaas oo saakay aroortii ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood.

Dhanka kale garaaddada SSC-Khaatumo, ayaa ku baxay dagaallada u dhaxeeya malleeshiyaadkan iyagoona kala dhexgalay si ay u qaboojiyaan xaaladda duleedka Laascaanood.

Magaalada Laascaanood, ayaa xaaladdeedu daganayd muddooyinkii ugu danbeeyay iyadoo horey u jiri jirtay dagaallo culus oo u dhaxeeya Somaliland, iyo dadka shacabka ah.

Laascaanood, ayaa dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya u aqoonsatay maamul goboleed ku meel gaar ah, taas oo doorashada Puntland, caqabad xooggan ku noqotay waloa markii danbe laga gudbay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved