Home » Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo isaga tagay Muqdisho

Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo isaga tagay Muqdisho

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciyaartoyda xulka kubbadda cagta ee maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya, ayaa isaga tagay caasimadda Muqdisho, gebi ahaanba kaddib weerarkii foosha xumaa ee lagu qaaday Jimcihii lasoo dhaafay xilli 3-0 gool lagu garaacay kaddibna waddada loogu galay gaari bas ah, oo ay saarnayeen halkaas oo ciyaartoy qaar dhaawacyo culus kasoo gaaray.

Ciyaartoyda ayaa la arkayay saakay iyagoo basas saaran oo loo qaaday garoonka Aadan Cadde Airport halkaas oo diyaarad ay kasii raacayaan, kadibna Baydhabo dib loogu celiyo.

Shalay waxaa jirtay dedaallo xooggan oo loo qanciyo xitaa lacago dhowr kun oo dollar ah, oo loo ballan qaaday, ugu danbeeyna fashil kusoo dhammaaday.

Xulka, ayaa habeennimadii Sabtida shaaca ka qaaday in ay isaga baxeen dhammaan ciyaaraha maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir kuwaas oo ay marti galineyso caasimadda Muqdisho.

Masu’uliyiin kala duwan oo ugu horreeyo duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, (Madaale), Wasiirka Ciyaaraha iyo taliya NISA, Mahad Salaad, oo booqasho rasmi ah, ugu tagay ciyaaryahannada Hotel ka ay ka degganyihiin Muqdisho, ayaa raalli gelin ka bixiyay, waxaana ka biyo diiday ciyaaryahannada kuwaas oo maanta isaga tagay magaalada Muqdisho.

Waxay sababtay weerarkan in uu isku baddelo siyaasad, iyadoo xildhibaannada DF ku matala ciyaartoyda KG ay mooshin la gudbiyeen wasiirka Ciyaaraha Maxamed Barre.

Xildhibaan Jiilley oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa yiri “falkaas dhacay oo la gabay amnigii la rabay in la ilaaliyo waa inoo qof u baxaa mooshin ayaan hadda gudbinay oo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha saacadaha soo socda ayaa gaarsiineynaa guddoonka wuu qoran yahay mooshinka” .

“Saas oo kale kuwa amniga qaabilsan iyagana mooshinka ayaan marsiineynaa wasaaradda amniga ayayna hoos yimaadaan” ayuu yiri mar kale xildhibaanka.

Caradan xooggan ayaa sababtay falka foosha xun ee lagula dhaqmay viyaartoyda xulka Koonfur Galbeed, oo waddada loo galay halkaasi oo bur bur xooggan kasoo gaaray gaariga ay saarnayeen halka ciyaartoyda qaarna dhaawacyo culus kasoo gaareen.

Tani waa markii labaad sannadkii 2020-kii ayay dhacday isla dhacdadan oo kale sidoo kalena bas lagu weeraray, xilli ay kasoo baxeen ciyaar.

Maamulka gobolka Banaadir Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo hay’adaha amniga ayaa maareyn la’ daawadeyaasha imaanaya garoonka Stadium Muqdisho.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved