Home » Ciidamo gadoodsan oo qabsaday bar koontarool waqooyiga Gaalkacyo

Ciidamo gadoodsan oo qabsaday bar koontarool waqooyiga Gaalkacyo

by Mohamed Jibril
0 comment

Wararka naga soo gaaraya magaalada ee xarunta gobolka Mudug Gaalkacyo, ayaa sheegaya xalay ciidamo gadoodaan oo ka tirsan kuwa Puntland, in ay la wareegeen bar koontarool oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa ka gadoodsan sida la sheegay mushahar la’aan, taas oo keentay inay xirtaan koontarool muhiin u ah, gawaarida xamuulka.

Sidoo kale ciidamadan ayaa wata gawaarida dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna si toos ah, u joojiyeen in ay maraan gawaarida waddadaasi isticmaalayay.

Bartaas koontarool, ayaa lasoo werinaya in ay weli ku xannibayihiin, gawaarida xamuulka ah, iyadoo haatan ay socoto waan waan lagu xallinayo ciidamada.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa hadda lagu qancinayaa in ay guraan waddadaasi si gaadiidkaasi ku xanniban loo fasaxo.

Saraakiisha ayaa ku andacoonaya in dhowr bilood ay qaadan wax mushahar ah, sidoo kalena ay ku adkeysanayaan inaysan fureeyn marnaba illaa laga siiyo xuquuqdooda dhowrka bilood.

Puntland, mahan markii ugu horreeysay ee ciidamada Puntland, ay xirtaan waddooyinka muhiimka u ah, halkaasi dhowr jeer ayay dhacday ciidamo dhowr bilood mushahar la’aan ka cawanaya in ay xirtaan Waddooyinka deegaannadaasi.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved