Home » Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Qoryooleey

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Qoryooleey

by Mohamed Jibril
0 comment

Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya dagaal culus oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay degmada Qoryooleey, ee Shabeellaha Hoose, dagaalkaas oo u dhaxeeyay kooxda Al-Shabaab, iyo ciidanada dowladda federaalka.

Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday degmada Qoryooleey, oo ay ku suganyihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo maleeshiyo la bar bar dagaallama.

Weerarkan kadib ayaa dhexmaray dagaal toos ah, kaas oo sababay khasaare kala duwan, sidoo kalena la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha millatariga Soomaaliya, oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inay iska caabiyeen kooxda weerarka soo qaaday islamarkaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen.

Ma jirto wax hadal ah oo weli kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, ee weerarka soo qaaday kuwaas oo intooda badan horey ka sheegan jiray weerarada gaadmada ah.

Xaaladda degmada Qoryooleey, ayaa haatan iska deggan iyadoo ay socdaan nolol maalmeedkii, oo ay dadka qabin baqdin weeyn taas oo xalay ku abuurtay cabsi xooggan weerarkan oo saacado badan qaatay.

Degmada Qoryooleey, ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa inta ugu badan Al-Shabaab, weerar qaraxyo iyo mid toosan ku qaadaan, halkaasi oo khasaare kala duwan ka dhasho.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved