Home » Ciidamada DF oo burburiyay goobo lagu diiwaan galiyo xubnaha cusub ee Al-Shabaab

Ciidamada DF oo burburiyay goobo lagu diiwaan galiyo xubnaha cusub ee Al-Shabaab

by Mohamed Jibril
0 comment

Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ka sameeyeen duleedka Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay, howlgalkaasiboo oo lagu qaaday Al-Shabaab.

Howlgalkan, ayaa si gaara waxaa u fuliyay guutada 8-aad ee qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga Xalka, kuwaas oo isku qeybiyay dhammaan agagaarka deegaanka Goofgaduud.

Axmed Maxamed Nuur (Dhagay), Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga Dalka, oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa ayaa sheegay inay howlgalkan ka fuliyeen, deegaanada Misgaale, Warta Kormar, Duurow, Mintaanka, Qurunlow Asharaaf, Gololow, Goof Golol & Hareera Jiif, kuwaas oo u dhow Goofgduud buurey ee oo dhamamantood ka wada tirsan gobolka Baay.

Taliya ayaa sheegay in ay bur-buriyeen Maktab, lagu diiwaan geliyo dhallinyarada cusub, ee ka mid noqonaya kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena dadka shacabka ee ku kala gooshaya waddooyinka aada gobollada Baay iyo Bakool.

Dhagay, taliyaha, Ururka 47-aad guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga Dalka, ma sheegin khasaaraha ka dhashay goobaha ay weerarka ku qaadeen, marka laga reebo burburinta goobahaasi, uu sheegay in baad looga qaadi jiray shacabka.

Dhanka kale ma jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, ee ku saabsan burburinta goobaha ay ku diiwaan gelinayeen kuwa cusub ee ka mid noqonaya kooxda.

Weli waxaa jira xaalad kacsanaan iyadoo la dareemayo guluf xooggan oo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, ee ciidamada Xoogga Dalka, ay ka wadaan deegaanadaasi.

Baay iyo Bakool, ayaa ka mid ah, meelaha ay weli ku xoogganyihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo fariisamo waa weyn ku leh deegaannada hoostaga labada gobol.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo dadka deegaanka ayaa inkabadan sannad iyo bar dagaal xooggan kula jira kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo weli haysta gobollada dalka intooda badan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved