Home » Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan in uu gowracay wiilkiisa

Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan in uu gowracay wiilkiisa

by Mohamed Jibril
0 comment

Ciidamada booliska Muqdisho, oo sheegay inay gacanta ku dhigeen nin ku eedeysan wiil uu adeer u yahay in uu ku gowracay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaa loo haystaa in shalay oo Axad ahayd in uu dilay wiil uu adeer u ahaa kaasoo da’diisu boolisku ku sheegeen 8 sano jir in uu ahaa kaas oo uu gowracay sida ay sheegeen booliska Muqdisho.

“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar jajab” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Eedeysanaha loo soo bandhigay warbaahinta ayaa booliska oo sheegay in ay ku haayaan baaritaano.

“Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hada ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ayaa sheegay in eedeysanaha la hor geeyn doobo maxkamadda si loo mariyo caddaaladda.

“Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri mar kale qoraalka kasoo baxay booliska Muqdisho.

Dhacdadan ayaa argagax xooggan ku abuurtay qooyska iyo deriska iyadoona aad loo hadal hayo Baraha Bulshada ay ku xiriirto.

Muqdisho, ayaa inta badan ka dhacda dhacdooyin layaab leh kuwaas oo dadka ku reebta uur ku taal, horeyna waa ay u dhacday in dhowr jeer sidan oo kale carruur loo gowracay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved