Home » Duqeyn lala eegtay kolonyo Al-Shabaab la socdeen

Duqeyn lala eegtay kolonyo Al-Shabaab la socdeen

by Mohamed Jibril
0 comment

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo war kasoo saartay duqueeyn lagula beegsaday Al-Shabaab, inta u dhaxeysa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka Cali-Xeyle, sidoo kalena howlgalka ayaa dhacay xiligii lagu jiray salaadda Maqrib, iyadoo kooxda la beegsaday ay la socdeen gaari xamuul ah, oo socday deegaankaasi.

“Gaari ay la socdeen maleeshiyada argagixisada ah ayaa lagu burburiyay howlgal maqribnimadii caawa ka dhacay Deegaanka Cali Hayle ee Galgaduud, waxaana gaariga saarnaa Hor-joogayaal ka tirsan nabadiidka” ayaa lagu yiri mar kale.

“Saacadihii la soo dhaafay waxaa la kordhiyay Howlgallada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo kooxaha naf la caariga ah ee caadeystay gumaadka Shacabka Soomaaliyeed, waxaana la qaarijiyay maleeshiyaad badan,” ayaa lagu yiri mar kale.

Dowladda Federaalka, iyo saaxiibada ka caawiya duqeymaha cirka ah, ayaa sii laba jibaaray maalmahan danbe kuwaas oo inta badan duqeymo rasmi ah, la eegta kooxda Al-Shabaab, walow mararka qaar dad shacab ah, ay waxyeelo kasoo gaarto.

Duqeymahan ayaa ka dhaca inta badan Hiiraan Galgaduud Galmudug iyo Shabeellaha Dhexe, duqeyntan tii ka horreysay ayaa ka dhacday deegaanka Galhareeri oo Al-Shabaab, looga bir buriyay fariisamo iyo warsahadii qaraxyada, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Degmada Caad, oo dhowaan weerar culus kusoo qaaday kooxda Al-Shabaab, ayaa sidan oo kale loo jabiyay kooxda iyadoo duqeymo cirka dhaceen.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved