Home » Nin xaaskiisa jarjaray kadibna gowracay Qoryooley

Nin xaaskiisa jarjaray kadibna gowracay Qoryooley

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay maqribkii dhacdo xannuun badan isla markaana argagax leh ay ka dhacday degmada Qoryooley, kadib markii nin xaaskiisa toorreey ku gowracay.

Arrintan ayaa ka dhacday xaafad lagu magacaabo Wadajir ee degmadaasi ka tirsan xilliga salaadda maqribka, sida uu sheegay taliye ku xigeenka saldhigga Qoryooleey.

Ninkan, ayaa la sheegay in uu u dilay xaaskiisa si arxan darro ah, taas oo la sheegay in uu gowracay kadibna jarjaray sida laga dheehan karo sawirrada laga soo qaaday.

Taliye ku xigeenka saldhigga degmada Qoryooleey, ayaa sheegay, in gacan ku dhiiglaha gacanta lagu soo dhigay kaas oo isku dayay in uu goobta isaga baxsado.

“Mindi ayuu ku dhuftay saddex meelood camal way dhimatay gabadha isbitaal ayaa loola cararay, balse dhex ayay ku geeriyootay” ayuu yiri taliye ku xigeenka Qoryooley, Ibraahim Hadaafoow.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in ay wadaan baaris sababta keentay dilkan arxan darrada ah, maadaama eedeysanaha hadda gacanta laamaha amniga uu ku jiro.

“Eedeysanaha waa haynaa waxaan wadnaa baaritaanka, marka berri ayaan jawaabta rasmiga ah ka bixin doonaa dhacdada” Ibraahim Hadaafoow.

Dhacdooyinka arxan darrada ah, ayaa kusoo badanaya dalka dhowaan ayay ahayd dhacdo xanuun badan nin xaaskiisa jirdilay kadibna ku shubay basiin, dabna qabadsiiyay, dhaawacaas halista ahayd ugu geeriyootay Muqdisho, Luul Cabdicasiis Maxamed, oo shalay la aasay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved