Home » Maxaa ka jiro in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen Ceeldheer

Maxaa ka jiro in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen Ceeldheer

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib uga soo baxeen degmada Ceeldheer, kuwaas oo la baahiyay in ay gadood uga soo baxeen deegaankaasi.

Warar la isla dhex marayay baraha bulshada ayaa sheegayay in ciidamada mushahar la’aan darteed uga soo baxeen furamhii hore ay uga sugnaayeen Ceeldheer.

Sarkaal sare, oo u hadlay ciidamada xoogga dalka ayaa beeniyay in aysan waxba ka jirin in ay baneeyeen furimaha hore ee dagaalka degmada Ceeldheer, gobolka Galgaduud.

Sarkaalka u hadlay millatariga ayaa yiri “magaalada sideeda ayaa loo joogaa wax broblem ah kama jiraan wax ka baxay iyo wax ka tegay midna ma jiro shaqadu sidii ayay u socotaa” .

“Dad ujeedo gaar ah ka leh malaha shilimaad ku raadinaya iyo kuwa siyaasiyiin ah oo wax kale ka raadinaya uunbaa qorayee wax dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri sarkaalka.

“Waxaan rabnaa inaan meel kale qabano oo deegaanno kale aan gaarno, insha allah shaqo kale ayaan sii qabaneynaa” ayuu yiri mar kale.

Ceeldheer gobolka Galgaduud, ayaa ah, meelihii ugu danbeeyay ee laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, oo haystay tobannaan sanno.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved