Home » Weeraro ka dhacay Boosaaso oo lagu dilay…

Weeraro ka dhacay Boosaaso oo lagu dilay…

by Mohamed Jibril
0 comment

Boosaaso (Hornlife) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ee Puntland.

Weerarada ayaa ahaa labo weerar oo ay fuliyeen dabley hubeysan midka koowaad kaas oo lahu dilay mid ka mid ah, ganacsatada yar yar ee magaaladaasi halka ay isaga baxsadeen goobta dableyda.

Ciidamada amniga ayaa gaaray halkaasi iu dilku ka dhacay iyagoona sameeyay howlgallo walow aysan jirin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Weerarka labaad ayaa isna ka dhacay guriga Wasiirka Amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin, kaas oo lagu weeraray bambaanooyin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Laamaha amniga oo ka hadlay weerarkaasi ayaa sheegay in aysan jidin cid wax ku noqotay bambooyinka lagu tuuray guriga Wasiirka.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay kusii raad joogaan kooxaha geystay weeraradaasi, kuwaas oo baxsaday kaddib bambaanooyinka ay tuureen.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved