Home » Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay haweeney aflagaadeysay ALLAH

Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay haweeney aflagaadeysay ALLAH

by Mohamed Jibril
0 comment

Hargeysa (Hornlife) — Ciidamada booliska ee maamulka Somaliland, ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey, (SW) falkaasi foosha xun oo ka dhalatay caro xooggan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay booliska ayaa lagu yiri baadi goob dheer kaddib waxaa gacanta lagu soo dhigay Huda Cawaale Xirsi, oo boolisku sheegeen in ay u gaftay Allah, (SW).

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.!” ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeeyn doono caddaaladda, si loo mariyo sharciga oo laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu inantaasi kusoo qabtay , isagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ee ciidanku u xilsaaran yahay , Waxaanan degdeg u horgeyn doonnaa Sharciga haddii eebbo idmo” ayaa lagu yiri mar kale.

Taliska ciidamada booliska Somaliland, ayaa bulshada ugu baaqay wax kasta oo diinta dhibaato ku ah, ama loogu gafayo in ay ka fogaadaan bulshada.

“Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka fogaadaan arrimaha noocaasa ee kasoo horjeeda Islaamnimada iyo Diinteenna suubban” ayaa lagu yiri ugu danbeeyntii.

Howlgalkan, ayaa aad loogu bogaadiyay booliska oo si deg deg ah, gacanta ugu soo dhogay eedeysane Huda, oo la sheegay in ay u gaftay Allah, (SW) Subxana Allah.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved