Home » Deni oo magacaabay Golahiisa Wasiirrada

Deni oo magacaabay Golahiisa Wasiirrada

by Mohamed Jibril
0 comment

Garowe (Hornlife) — Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirrada ee cusub, kuwaas oo tiradooda gaareyso 21 xubnood, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Debiraani.

Deni, ayaa magacaabay golaha wasiirrada keliya isagoona laga sugayo wasiir ku-xigeennada iyo wasiir dowleyaasha, isagoona uu soo laabtay Wasiir Juxa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, ee Puntland,

Wasirrada La amagacabay Ayaa Kala Ah,

  1. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Maxamed Cabdiwahaab Axmed (waa soo laabtay).
  2. Wasiirka Amniga Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin ( waa soo laabtay).
  3. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
    Cabdi Faarax Siciid Juxa (waa soo laabtay).
  4. Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax Maxamuud.
  5. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Daa’uud Maxamed Cumar.
  6. Wasiirka Waxbarashada Fu’aad Abshir Axmed Adeer.
  7. Wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel).
  8. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Faarax Cawad Jaamac.
  9. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Shaakir Maxamed Guuleed.
  10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Cabdullaahi Bile Nuur.
  11. Wasiirka Haweenka Maryan Axmed Cali.
  12. Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir.
  13. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Shire Siciid.
  14. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux.
  15. Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.
  16. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.
  17. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa.
  18. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Liibaan Muuse Cismaan.
  19. Wasiirka Gargaarka Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
  20. Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdiqaadir Saalax.
  21. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Hodon Siciid Xasan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved