Home » Xasan Sheekh oo ka degay Turkiga iyo ujeedka safarkiisa

Xasan Sheekh oo ka degay Turkiga iyo ujeedka safarkiisa

by Mohamed Jibril
0 comment

Antalya (Hornlife) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Xasan iyo wafdigiisa ayaa si ballaaran loogu soo dhoweeyay halkaasi, oo uga qeyb gali doono shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya, inta uu ku sugahayna Turkiga wuxuu kulamo muhiim ah, la qaadan doonaa madaxda Turkiga sida lagu shaaciyay Villa Somalia.

Dhowaan ayay ahayd markii madaxweyne Xasan, uga qeyb-galay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay, oo ka dhacay magaalada Nirobi ee dalka Kenya, kaasi oo diirada lagu saaray Isbeddalka Cimillada Adduunka ee xilligaan taagan.

Socdaalkan madaxweynaha ayaa imaanaya xilli dhowaan Soomaaliya, iyo Turkiga ay gaareen heshiis difaac oo adag ee ku saabsan Badda Soomaaliya.

Heshiiskaasi, ayaa dhaqan galay markii ay ansaxiyeen Golaha Wasiirrada iyo labada aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay heshiiska Soomaaliya, ay la gashay Turkiga in uu yahay mid muhiim u ah, islamarkaana Soomaaliya, gaarsiin doona inay dhisato cudad ciidan oo ilaaliya Badda Soomaaliya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,”  ayuu yiri Xasan Sheekh.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved