Home » Dibad-baxayaal lagu rasaaseeyay Muqdisho + khasaaraha

Dibad-baxayaal lagu rasaaseeyay Muqdisho + khasaaraha

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Warar heeraad ah ayaa kaso baxaysa shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Shaqaaqadan ayaa ka billaabatay shacab dhigayay dibad baxyo kuwaas oo careeysnaa xil ka qaadis lagu sammeeyay guddoomiye waaxeed, ka tirsan degmada Warta Nabadda, kuwaas oo ciidamada dowladda rasaas ooda uga qaadeen, halkaas oo mid ka mid ah, dadka shacabka uu ku geeriyooday.

“Waxaa naga maqan xuquuq oo aan u doodeynay, mahaas ayaan banaanbax nabadeed ku heysanay Seynab Xaabseyn waa na leysay, taliyaha saldhigga ayay noo soo dirtay” ayay tiri mid ka mid ah, dibadbaxayaasha.

Hooyo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in la boobayo kursi ay ku lahaayeen degmadaasi.

“Xuquuqdeena ayaan u baahanahay, kursigeenna ayaan rabnaa, waxaana iska leh Beesha Macallin Dhiblaawe” ayay tiri.

Rasaasta la furay ciidamada dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay ahaayeen ciidamada booliska ee saldhigga Wardhiigleey, sida u sheegeen warbaahinta bannaanbaxayaasha.

Hal qof oo rag ah, ayaa ku geeriyooday rasaasta halka Haweeney ay ku dhaawacantay taasoo sii kordhisay xiisadda ka taagneyd Siinaay.

“Maanta waxaa na haysto wiil walaalkeen ah oo waxba halayn in la dilo askari dowladeedna uu xabad ku dhufto dabadeedna uu Dhashiike nagu weeraro ma aqbaleyno” ayay tiri mid ka mid ah, ehellada wiilka la toogtay.

Xaaladda ayaa haan ah, mid hagaageysa iyadoona goobaha ganacsi ee xirnaa dib loo furayo iyo isku socodka gaadiid oo saacado xirnaa.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved