Home » Duqeyn lagu dilay saraakiil Al-Shabaab oo ka dhacday Galgaduud

Duqeyn lagu dilay saraakiil Al-Shabaab oo ka dhacday Galgaduud

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ee ka sameeyeen duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday meel ay isku uruursanayeen kooxda Al-Shabaab, oo ku taalla deegaanka Cali Yabaal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa sheegtay in uu u dhacay howlgalkan sidii loo qorsheeyay laguna dilay Shabaab badan.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in lagu dilay howlgalkan saraakiil sar sare iyo xubno kaloo katirsan kooxda ka tirsan oo ku sugnaa deegaankaasi.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud. Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigtay goobaha howlgalka uu ka dhacay islamarkaana la burburiyay dhammaan wixii yaallay.

“Degaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta” ayaa lagu yiri mar kale, warsaxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Federaalka.

Ma jiro wax hadal ah, oo kaso baxay kooxda Al-Shabaab, ee ku saabsan howlgalkan, ee dowladda Soomaaliya, ku sheegatay guul weeyn.

Deegaanka Cali Yabaal, ayaa ah, xaaladdiisa mid kacsan iyadoo la dareemayo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda xilligan.

Gobollada dhexe ayaa waxaa ka socda guluf xooggan oo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, iyadoona ay dhacdo mararka qaar duqeeymo xooggan oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shaabab.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved