Home » Garaad Jaamac “Muuse Biixi maamulkiisa waa in lagula xisaabtamaa dhimashada 800 ee ruux”

Garaad Jaamac “Muuse Biixi maamulkiisa waa in lagula xisaabtamaa dhimashada 800 ee ruux”

by Mohamed Jibril
0 comment

Laascaanood (Hornlife) — Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Garaaddada Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa sheegay in la dacwaynayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sababtuna uu ku sheegay in ay la xiriirta dhibaatooyinkii ka dhacay Gobolka Sool.

Jaamac Garaad, ayaa sheegay in la diiwaan gelinayo dadkii ku dhintay Sool, oo gaaraya 800 oo qof dhaawacyo iyo hantida ku burburtay, dhammaan waxyeelladii ay geeysteen ciidamada maamulka Somaliland.

“Maamulka Muuse Biixi waxaa in loo dacwaynayaa dhimashadii Dadka gaaraya 800 oo ruux, Waa aynu diiwaangelinaa dadka dhaawacmay, goobta ay ku geeriyoodeen & xiliga ay waxgaareen loona sameeyo xarun iyo taallo lagu xardhayo magacyada oo dhan” Ayuu yiri Jaamac Garaad.

Sannad ayaa laga joogaa kacdoonkii ka dhacay Laascaanood kaas oo ahaa mid ka dhan ah, ciidamada Somaliland, uga danbeyna laga saaray deegaannadii ay maamulayeen.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved