Home » Xasan Sheekh oo saxiixay sharci muhiim ah

Xasan Sheekh oo saxiixay sharci muhiim ah

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah, saxiixay sharci cusub oo ku saabsan dadka qaxootiga.

Sharcigan uu saxiixay Xasan Sheekh, ayaa ah, sharciga dadka magangalyo doonka ama qaxootiga, sida ay sheegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasaaradda, ayaa sharcigan ku sheegtay in iu mihiim u yahay xuquuqda dadka magangalyo doonka ah, iyo waajibaadka qaran ee ka saaran hay’adaha iyo ilaalintooda dadkani.

Hindise Sharciyeedkan uu maanta madaxweyne Xasan qalinka ku duugay ayaa Golaha Shacabka, ansixiyeen 13-kii, bishii September ee sannadkii tagay ee 2023-kii, halka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay meel-mariyeen sharcigan 16-kii, January ee 2024-ka, sannadkan.

Kani waa sharcigii labaad ee muddo labo isbuuc Xasan saxiixayo, isagoona dhowaan saxiisay heshiiska iskaashiga difaaca dhaqaalaha iyo badda kaas oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskaasi, ayay meel mariyeen Golaha wasiirrada, iyo labada Aqal, dhowaan iyadoona Turkiga u ogolaanayo, in amniga iyo badqabka Badda Soomaaliya, toos ula wareego.

Si kastaba hasa yeeshee heshiiska ay saxiixday Dowladda Soomaaliya, ayaa si toos ah, u noqonaya mid dhaqan gal ah, iyadoona ay xuquuq heli doonaan qaxootiga ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved