Home » Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Shakhsiyaad Dayniile ku dilay Nabadoon

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Shakhsiyaad Dayniile ku dilay Nabadoon

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dilay mid ka mid ah, nabadoonnada Muqdisho, Cabdi Xasan Muxidiin oo caan ka ahaa degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda weerarka geystay ay sidoo kalena goobta ku dishay askari ilaalo u ahaa Nabaddoonka dhintay.

Ciidamada amniga ayaa sheegay in ay ku guuleystee in ay gacanta ku dhigaan laba kamid ah kooxdii weerarka ku toogtay nabadoonka.

Masu’ul ka tirsan maamulka degmada Dayniile oo warbaahinta lahadashay ayaa sheegtay in shakhsiyaadka laqabtay u uku jiray ruuxa fuliyay dilka Nabaddoonka, halka ruux kalena yahay mid isaga oo meyd ah la helay kadib markii ciidanku ay soo gabagabeeyeen bariintaankaasi.

Muqdisho, ayaa dilalka kusoo badanayaan muddooyinkii danbe iyadoo dhowaan sidan oo kale lagu dilay degmada Dayniile Nabadoon caan ahaa kuwaas oo markii danbe kooxda dilka geysatay lagu qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved