Home » Puntland oo gacanta ku dhigtay shabakad ka tirsan Shabaab iyo agabkooda

Puntland oo gacanta ku dhigtay shabakad ka tirsan Shabaab iyo agabkooda

by Mohamed Jibril
0 comment

Garowe (Hornlife) — Ciidamada amniga ee Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay shabakad isku xiran oo qalab u waday kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Galgala ee maamulkaasi.

Koxdan oo ka kooban 5 qof oo mid haweeney tahay ayaa lagu qabtay bar-koontarool oo ku taalla dhanka galbeed, ee magaalada Garowe.

Shantan qof ayaa magacyadooda lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu kala sheegay 1. Faisa Cali Maxamed, 2. Cabdi Axmed Cusmaan 3. Haaddi Cumar Cilmi, 4. Cabdi Maxamuud Cali, 5.Saalax Cabdulqaadir Mahad.

Booliska ayaa shaaciyay in sidoo kale ay qabteen agab badan oo ah, kuwa wax lagu basaaso oo magacyadooda ay ku sheegeen.

1-Gacmo kuwa loo isticmaalo GPS MAP, 2-Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory 3-Biisooyin Kaashwito, 4-Kabo balistig ah, 5- Envactar kuwa solar loo isticmalo. ( Inverter solar energy system), 6- Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone),

“Laanta Dembi-baarista ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri.

Booliska ayaa sheegay in dhowaan ay geeyn doonaan eedeysanayaashan garsoorka si caddaaladda loo marsiiyo.

“Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka”.

Ugu danbeeynii Booliska Puntland, ayaa shacabka ku dhaqan halkaasi farriin ugu diray in ay ka qeeyb qaataan la shaqeeynta hay’adaha amniga ayna ka hortagaan waxyaabaha amniga lidiga ku ah.

“Booliska ayaa fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay booliska gobolka Nugaal.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved