Home » Booliska oo gacanta kusoo dhigay hoobiyeyaashii lagu garaaci jiray Muqdisho

Booliska oo gacanta kusoo dhigay hoobiyeyaashii lagu garaaci jiray Muqdisho

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta jawaab ka bixiyay weerarkii xalay saqdii dhexe ee loo adeegsaday hoobiyeyaasha lagu garaacay xaafado ka tirsan gudaha caasimada Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa sheegay in hoobiyeyaasha ayaa laga soo tuuray dhinaca degmada Yaaqshiid, saddex ka mid ah, waxaa la sheegay in ay ku kala dhaceen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, halkaasna uu khasaare ka dhashay.

Hal askari ayaa ku dhaawacmay sida la xaqiijiyay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble, oo shirjaraa’id ku qabtay degmada Dayniile ayaa soo bandhigay hoobiyeyaal iyo hub tiro badan oo lagu soo qabtay howlgallo culus oo laga sameeyay gudaha caasimada.

Hubkan ayaa oo la tusay dhammaan Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgallo culus oo ay ciidamadu ka sameeyeen guryo ku yaalla gudaha Muqdisho.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in illaa iyo 140 xabo oo hoobiye ah gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna shacabka uga baaqay in amniga ay ka qeeyb qaataan.

Muqdisho, ayaa amnigeeda soo hagaagayay muddooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo ay socdaan dedaallo xooggan oo haya’adaha amniga ay xal ugu raadinayaan amniga caasimadda, Muqdisho.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved