Home » Jowhar oo ka dhacay shir u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo hay’adaha QM

Jowhar oo ka dhacay shir u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo hay’adaha QM

by Mohamed Jibril
0 comment

Jowhar (Hornlife) — Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka Hirshabeelle iyo Hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee WFP.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Hirshabeelle ee wada shaqeynta la leh Hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellaha Dhexe iyo guddoomiyaha degmada Jowhar waxana diirrada lagu saaray sidii dhinacyada u dardargelin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo.

“Dhankeenna wada shaqeyn hufan ayaa naga diyaar ah, waxaan rajeynayaa in kulankan kaddib si wadajir ah loo wajaho howlaha dhammaanteen hor-tebinta inoo leh, mana aqbali karno in shaqadda ay dhaqaaqi weyso,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale Dabageed, ayaa bogaadiyay doorka weeyn ee ay ka qaadanayaan taakuleynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hirshabeelle, hay’adaha UNOCHA iyo WFP isagoona uga mahadceliyay masu’uliyiinta Jowhar u yimid shirkaasi.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved