Home » Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gaadiid dagaal

Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gaadiid dagaal

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa maanta Midowga Yurub, kala wareegay Gaadiid dagaal oo loogu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa gaadiidkan gaashaaman mid mid u kormeeray iyadoona ay ku howlgali doonaan Guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu wareejiyay gaadiidkan ayaa goobjoog ka ahaa taliyaha Guutada 14-ka October, G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey).

Gaadiidkan ayaa loogu talagalay keliya Guutada 14- October ee ka howlgala Shabeellaha Hoose gaar ahaan magaalada Marka.

Guutada 14-ka October, ayaa ka mid ah, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwooda ugu adag kuwaas oo hadda dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in ay weli jiraan ciidamo badan oo aan helin gaadiid dagaal sida kuwa lagu soo tababaray dalka Eritrea.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved