Home » Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Baladweyne

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Baladweyne

by Mohamed Jibril
0 comment

Baladweyne (Hornlife) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada maamulka HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka la magac baxay Hiiraan State ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Dagaalkan ayaa billowday xalay saqdii dhexe iyadoo uu weli ka socdo dagaalka Xerada Lamagalaay, afaafkeeda hore.

Dad ku sugan halkaasi ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka uu saameeyn xooggan uu ku yeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan, iaydoo weli aysan jirin isku socodka dadweynaha.

Inta la ogyahay dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof halka uu dhaawacana gaarayo, illaa iyo 5 qof oo kala ah, labada dhinac ee ku dagaallamay.

Xaaladda magaalada ayaa ah, mid aad u kacsan weli, iyadoo la dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo badan.

Dagaalkan ayaa sidoo kale saameeyn xooggan ku yeeshay goobaha ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha iyo dhammaan isku socodka gaadiidka.

Dhanka kale haatan waxaa socda dedaallo xooggan oo lagu kala qaadayo labada ciidan ee ku dagaallamaya magaalada gudaheeda.

Baladweyne ayaa ah, meelaha inta badan uu ka jiray khilaaf u dhaxeeya maamulka gudahiisa iyadoo aan weli xal laga gaarin.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved