Home » Sawirro: Ciidamada Xoogga Dalka iyo Burundi oo howlgallo ka billaabay Balcad

Sawirro: Ciidamada Xoogga Dalka iyo Burundi oo howlgallo ka billaabay Balcad

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ayaa maanta ka baxay degmada Balcad, ayaga oo isku fidiyay hareeraha degmada Balcad, oo ku taalla waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Jowhar.

Ciidamadan howlgallada billaabay ayaa waxaa horkacaya saddex xiddigle Xasan Cali iyo taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska guud ee
ATMIS.

Howlgalkan ujeedkiisa ah, in laga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab, kasoo qaadaan deegaannadda ku dhow caasimadda.

“Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ee fadhigoodu yahay Saldhiga Ceelka Geelow iyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF), ayaa kordhiyey roondooyinka wadajirka ah ee ay ka sameeyaan degmada Balcad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, si ay uga hortagaan weerarada argagaxa leh ee ka dhanka ah shacabka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ATMS.

“Howlgalka oo ay hogaaminayeen Taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry iyo 3 xidigle Hassan Ali, oo ka tirrsan ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sugay ammanka wadada muhiimka ah isku xirta Jowhar iyo Muqdisho (MSR) ee Shabeelada Dhexe” ayaa lagu yiri markale.

Xaaladda degmada iyo aaggeeda ayaa ah, mid kacsan oo laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda labada dhinac.

Shabeellaha Dhexe, ayaa ka mid ah, meelaha dagaalka adag lagu qaaday kooxda Al-Shabaab, ee looga qabsaday deegaano badan.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved