Home » Qarax ka dhacay Qoryooley oo geeystay dhimasho iyo dhaawac

Qarax ka dhacay Qoryooley oo geeystay dhimasho iyo dhaawac

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lala eegtay goob ay ku sugnaayeen saraakiisha amniga degmada iyo ciidamo katirsan
booliska.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday Miino iyadoona uu ka dhacay agagaarka boondada Qoryooley, sida la soo wariyay waxa jira khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ugu yaraan waxaa ku geeriyootay labo askari, halka ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo askar ku sugnaa goobtaasi.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah, taliyaha degmada Qoryooley, Cali Waal iyo Cabdiraxmaan Cadow, oo ahaa taliyihii hore Nabad-sugidda ee degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Al-Shabaab, ayaa sheegatay durba masu’uliyadda qaraxan, loo adeegsaday Miinada waxayna sheegtay in ay ku dishay saraakiil badan iyo askar, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda degmada Qoryooleey, ayaa ah, haatan mid iska yara degan iyadoo howlgallo culus kawadaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa ATMS, ee ka howlgala deegaankaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Dowladda kuwa degmada Qoryooleey, iyo laamaha amniga.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved