Home » Maxaa iska baddelay go’aanka shacabka deggan Dab-damiska

Maxaa iska baddelay go’aanka shacabka deggan Dab-damiska

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir, ayaa maanta degantahay xaaladdeeda halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhexeysay dadka deegaanka iyo Booliska oo doonayay in ay kabarakiciyeen dadkaasi.

Amarka dowladda ayaa ku ekaa maanta oo ah, 20-ka April, si looga raro shacabka deggan ayaa dib loo dhigay kaddib dedaallo xooggan uu sammeeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Qoor Qoor, oo la hadlay dadka shacabka ayaa sheegay in la kicin doonin dadka deggan dhulka Dab-damiska isagoona sheegay in uu la hadlay Booliska, iyo masu’uliyiinta Wasaaradda Amniga.

“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Xaaladda xaafadda Dab-damiska oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kacsaneyd ayaa haatan ah, mid deggan dadka shacabka ku dhaqan halkaasi ayaa maanta si toos ah, u wata nolol maalmeedkooda iyadoo ay meesha ka baxday dhaartii booliska.

Dadka deggan Dab-damiska qaar ka tirsan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dareenkooda iyo waxa isbaddelay ka hadlay kaddib dib u dhigtistii barakicintooda, iyagoona sheegay in weli go’aankoodii sidii uu yahay iyaga waxba isla baddelin, ayna ka guuri doonin dhulka Dab’damiska.

Mid ka mid ah, Odayaasha deegaanka ayaa ku andacooday in aysan haysan dhul kale oo ay degaan iyo wax ay ku guuraan ayna ku dhimanayaan guryahooda.

“Annaga dad masaakiin ah ayaa nahay waxba ma haysano hal mooto ma kireysan karno inaan ku dhimano oo ku baaba’no ayaa danteena ku jirtaa” ayuu yiri.

Oday kale oo isna ka mid ah, dadka deggan halkaasi ayaa sheegay in ay isku dhaariyeen in ay guureeyn halkaasi illaa ay qorshe u sameyneeso dowladda.

“Shacabka meeshaan deggan haddii aan nahay waan isku dhaarsanay inaanu hal qof ka guurin xaafadda ha yimaadaan ama yeysan imaan” ayu yiri.

“Annaga dad qaxooti ah ayaa nahay mana naqaano meel aan u guurno” ayuu yiri ugu danbeeyntii.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved