Home » Nin walaalkiisa ka yar si arxan darro ah, ugu dilay magaalada Baladweyne

Nin walaalkiisa ka yar si arxan darro ah, ugu dilay magaalada Baladweyne

by Mohamed Jibril
0 comment

Baladweyne (Hornlife) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa gobolka Hiiraan kaas oo ah, dhacdo xannnuun badan oo xalay ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaais, kaddib labo walaalo ah, oo halkaasi isku dilay.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii mid ka mid ah, dadka deegaanka markii walaalkiisa kayaraa si arxan darro ah, ugu dilay gudaha magaalada Baladweyne.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Sharmaake Muuse Saxanjadiid, halka eedeysanaha dilka gaystay lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxanjadiid.

Labadan dhallinyaro ayaa ahaa walaalo isku hooyo isku aabe ah, waxaana soo kala dhex galay muran xooggan oo sababay gacan ka hadal oo markii danbe ugu geeriyooday Sharmaarke.

Mid ka mid ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in uu canaanayay walaalkiisa kadibna bir uu soo qaatay ugu geeriyooday halkaasi Marxuum Sharmaarke.

“Dilka ma ahayn ula kac ma ahayn, canaan ayuu ka dhashay, canaantii ayaa fogaatay kadibna birta wax lagu qodo ayuu afka jug uga siiyay, gudaha ayayna u gashay, sidaas ayuu ku dhintay marxuumka” ayuu yiri.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labadan wiil uu dhowaan geeriyooday Aabahood oo ay hooyadeed asaayga weli ka degin.

Laamaha amniga ee magaalada Baladweyne, ayaa hadda wada baaris ku aadan sida dilkan uu ku yimid iyo soo qabashada eedeysanaha.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilalka arxan darrada ah, ee kusoo badana muddooyinkan danbe dalka sidoo kalena dilkii ugu danbeeyay uu ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaddib hooyo dhimirka la’ ku dishay labo carruur ay dhashay oo horey ay u gubtay halka habeen horena ay gowracday Wiil iyo Gabar ay dhashay.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved