Home » Shirkii ugu horreeyay oo looga hadlayo hubka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Shirkii ugu horreeyay oo looga hadlayo hubka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

by Mohamed Jibril
0 comment

Muqdisho (Hornlife) — Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah kaas oo ku saabsan maareynta hubka rasaasta iyo walxaha qarxo, oo socon doono muddo labo cisho ah.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Cabdifitaax Qaasim, kaas oo sheegay in shirkan uu kusoo aaday xilli muhiim ah, maadaama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka, ayna ku jirto dagaal culus.

Waxaa ka qayb galaya shirka mas’uulyiin ka socda dowladda federaalka, dowlad goboledyada iyo xubno ka socda beesha caalamka, kuwaas oo wax ku biirin doono maareynta hubka ee Soomaaliya, maadaama la filayo in dowladdu soo iibsato hubka culus dhowaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, Cabdifitaax Qaasim oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in farxad ay u tahay furitaanka shirkan oo looga hadlayo arrimo ku saabsan hubka Soomaaliya.

“Farxad wayn ayay innoo tahay inaan daaha ka rogno oo aan furno shirweynaha qaran ee lagu maareynayo hubka, rasaasta iyo walxaha qarxa” ayuu yuru wasiir ku xigeenku.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inay qodobo wanaagsan kasoo bixi doonaan, kuwaas oo waxtar u noqon doono Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dowladaha ka qeyb qaatay ka qaadista Soomaaliya, cunaqabateynta hubka kuwaas oo kala ah, Mareykanka, Uk, Jarmalka, Turkiga iyo Ururka Midowga Yurub.

“Anigga oo ku hadlayo magaca dowladda Soomaaliyeed waxaan u mahadcelinayaa intii ka qayb qaadatay in la qaado cunaqabateyntii hubka ee muddada saarnayd Soomaaliya, waxaan rajeynayaaa in shirkan uu kasoo baxo miro-dhal fiican” ayuu yiri Cabdifataax Qaasim.

Waa shirkii ugu horreeyay ee la qabto tan iyo markii laga qaaday Soomaaliya, cunaqabateyntii hubka sannadkii tagay ee 2023-ka.

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved