Home » Muuse Biixi oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

Muuse Biixi oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

by Mohamed Jibril
0 comment

Hargeysa (Hornlife) — Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo maanta wareegto soo saaray ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis isla socoda.

Madaxweyne Biixi ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare iyo ciidamada qalabka sida ee Somaliland, Gaashaanle sare Saleebaan Muuse Xasan, isaga oo xilkaas u magacaabay Gaashaanle sare Cabdi Cali Xayd Raage.

Qoraalka kasoo baxay xafiidka madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtada u qorneyd sidan.

Wareegto Madaxweyne 11.05.2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida, kuna magacaabay Gudoomiye cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan;
Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

You may also like

About Hornlife

Horn Life Is an independent news media covering breaking news, features, and documentaries about Somalia

Newsletter

Subscribe my Newsletter for new blog posts, tips & new photos. Let's stay updated!

Latest News

  Copyright © Horn Life All Right Reserved